
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furay Tababar ka qaybgalayaan Wasaaradaha iyo Bangiga Dhexe(Sawirro)
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Ahamed Jama Jowle, ayaa daah-furay tababar ay ka faa’iidaysanayaan shaqalaha toddoba wasaaradood iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland, kaas oo ka furmay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.
Tababarkan waxaa bixinaya koox khubaro ah (team) oo horay loogu soo tababaray adeegsiga hababka casriga ah ee falanqaynta dhaqaalaha (Economic Models)
Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee ku aaddan ururinta, falanqaynta iyo adeegsiga xogaha dhaqaale, si go’aannada iyo qorsheyaasha dowladda ay u noqdaan kuwo ku dhisan xog sax ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Ahmed Jama Jowle oo ka hadlay munaasabadda daah-furka tababarka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay hay’adaha dowladda isagoo xusay in adeegsiga xog sax ah iyo falanqayn cilmiyeed ay saldhig u tahay horumar dhaqaale.
Tababarkan ayaa la qorsheeyay in uu socdo muddo laba maalmood ah waxaana ka qaybgalaya xirfadlayaal ka kala socda wasaaradaha iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda





















