Wasiirka Maaliyadda Puntland oo daahfuray shir ku saabsan Hagaajinta Shax xisaabeedka Maaliyadda(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta furay shir ku saabsan hagaajinta shax xisaabeedka iyo soo saarista qaab xisaabeed isku mid ah guud ahaan maamulada dalka Soomaaliya. Shirkan waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobalka Banaadir. Ugu horayn Xisaabiyaha guud ee […]

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Hay’adda Iibka iyo Qandaraasyadda[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime kuxigeenka guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Cali Jaamac(Keenadiid) ayaa kulan la qaatay hay’adda iibka iyo qandaraasyadda. Kulanka waxa ku weheliyay Mudane Keenadiid, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo matalayay Guddiga hawlaha guud ganacsiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo Qandaraasyadda ee Golaha Wakiiladda Puntland iyo La-taliye sare oo ka socday […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Laanta Maaliyadda ee Qardho(Sawirro)

QARDHO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa manta koormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo laanta Bangiga Dowladda ee magaalada Qardho. Ujeedka socdaalka Wasiirka ayaa ah u guur-galida qaabka ay u socto shaqada Wasaaradda, waxana uu qeyb qeyb u booqday xafiisyada iyadoo halkaas ay ka socotay shaqo maalmeedka xarunta […]

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dardargelin shaqo ka wada Furdada Bosaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ku dadaashay tayeynta iyo kor u qaadista adeegga cashuur bixiyaha,horumarinta goobta shaqada iyo nidaamka shaqaalaha. Wasaaradda Maaliyadda ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka waday furdooyinka iyo cashuuraha Berriga Puntland dardargelinta iyo tayeynta aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Puntland. Shaqaalaha Furdada Boosaaso ayaa kor loo qaaday tayada aqoontooda 2020 ilaa 2021, iyadoo […]

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u qabtay Hanti-dhowrka gudaha(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta tababar u qabatay shaqaalaha Wasaaradda ee Waaxda Hanti-dhowrka Gudaha[Internal Audit]. Tababarka ayaa ku saabsanaa kor u qaadida xirfada Hanti-dhowrka gudaha [Internal audit] ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Furitaanka Tababarka waxaa ka qayb galay Ku-simaha Agaasimaha Guud Keynadiid Cali Jaamac,Madaxa Hanti-dhowrka Gudaha W/Maaliyadda Puntland Axmed Cabdi Maxamed, Agaasimaha […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Shaqaalaha Maaliyadda Iyo Bangiga(Sawirro)

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta tababar usoo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Puntland. Tababarka oo socday muddo saddex cisho ah ayaa ku saabsanaa horumarinta, kor u qaadida iyo qiimeynta howlgudashadda shaqaalaha[Performance appraisal form]. Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi,Ku-simaha Agaasimaha Guud Keynadiid Cali Jaamac iyo […]

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay Tababar u socday Shaqaalaha dowladda(Sawirro)

GAROOWE – Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta ka qeyb galay Tababar u socday Shaqaalaha Wasaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dowladda Puntland. Tababarka ayaa ku saabsanaa horumarinta,kor-u-qaadida iyo qiimaynta howl gudashada shaqaalaha (Performance appraisal form). Tabarkan oo socda maalintii labaad, waxaa goob-joog ah Madaxa Mashuuraca PFM-ka Mudane Cabdiqaadir Xaashi,Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mudane Cabdulqaadir […]

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Oo shir la qaatay Shirkadaha Qandaraasyadda(Sawirro)

GAROOWE – Shir ay isugu yimaadeen Agaasinka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo qayb ka mid ah Shirkaddaha Qandaraasyadda ee Deegaanadda Puntland ka howlgala ayaa lagu qabtay Garoowe. Shirkaan oo uu kasoo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo Madaxda kale ee Dakhliga. Ujeedada shirkan ayaa ahaa in Ganacsatadda Qandaraaslayda […]

Shir ku saabsan Habka Qiimeynta Kartida Shaqaalaha oo lagu qabtay Garowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir ku saabsan habka qiimaynta kartida shaqaalaha ee loo yaqaan [performance Appraisal]. Shirkan ayaa ah mid lagu soo bandhigayay qaabka ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo xirfada shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland halka madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntlanduna qiimeyn ugu sameeyaan shaqaalaha ay xukumaan taasoo loo sameynayo Waaxyaha […]

Shir looga hadlaayay Kobcinta Cashuurta iyo Dakhliga oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir looga hadlaayay kobcinta cashuurta iyo dakhliga Puntland. Shirkan oo lagu qabtay habka muuqaal baahiyaha ee ZOOM-ka ayaa waxa soo agaasimay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyadoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda,Agaasimayaasha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulayaashadakhliga […]