Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo qabatay Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda – Qaybta iibka(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda – Qaybta iibka (Automation of Purchasing Module and Commitment control). Tababarkan oo ay ka faa’idaysanayaan dhammaan Hay’addaha iyo Wasaaradaha Puntland ayaa ah mid muhiim u ah dib u habeynta Maaliyadda dalka ( Public Finance Reform) sida […]

Shir looga hadlayay Dakhliga oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE — Shir looga hadlay dardargelinta dakhliga gobalka Nugaal ayaa maanta waxaa guddoomiyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan). Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowlada Cali Jaamac Gaashaan, sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa mas’uuliyiinta […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay madaxda Bangiga Adduunka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cumar Fiqi ayaa aaladda fogaan aragga ugu qabtay shir dib eegis loogu sameeynayay mashaariicda sannadkan ay la wadaan Bangiga Adduunka Dowladda Puntland gaar ahaana mashruuca PFM iyo DRM. Shirkan oo socon doona muddo saddex casho ah ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda Soomaaliya iyo Puntland u […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay Jaamacadda Bariga Afrika Bosaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntlnd Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo xubno ka tirsan Wasaaradda ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Jaamacadda Bariga Afrika madaxda sare ee Jaamacadda ee magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari. Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan kula qaatay xarunta […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagey Dekedda Bosaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudne Cabdullaahi Xirsi Timacade, Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Mas’uuliyiintan ayaa tagay goobaha shaqadu ay ka socotay, […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Suuqyada Bosaso( Sawirro)

BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay waheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay maanta kormeer ku tageen suuqyada magaalada Boosaaso. Ujeedka socdaalka ayaa salka ku hayay u kuur-gelidda qaabka ay u socto lacagta shilling Soomaaliga ee suuqayada magalada Boosaaso, waxayna mas’uuliyiinta booqdeen xarun […]

Shir looga hadlay dib eegista Mashaariicda Bangiga Adduunka ka fuliyay Puntland 2020 oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta lagu qabtay shir ay wada yeesheen Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Puntland. Shirkan oo uu guddoominayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa waxa ka qaybgalay Madaxda sare ee Wasaaradda, madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Puntland […]

BOOSAASO – Qaadashada shilling Soomaaliga oo si wadajir ah loogu dhawaaqay(Sawirro)

Guddiga Xasilinta Suuqyada lacagta ee Puntland iyo wax ka qabashada qiima-dhaca shilling Soomaaliga ayaa soo gabagabeeyey kulamo ay la l lahaayeen Ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Ganacsifa,Wasiirkii hore ee Maaliyadda ahna xubin ka tirsan Guddiga, Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso, xubnaha […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Bangiga Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dowladda Laantiisa Boosaaso. Madaxda Bangiga ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay xarunta iyagoona uga warbixiyey hannaanka shaqo ee uu Bangiga. Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay, waxana uu la kulmay […]

Guddiga Xalinta Lacagta Shilling Soomaaliga oo kulan la qaatay Ganacsatada Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Gudigga Xalint lacagta Shilling Soomaaliga suuqyada Puntland ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Shirkadaha iyo Sariflayaasha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulankan waxaa Guddiga ku weheliyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga,Wasiirka Dekedeha, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada, Guddoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Guddiga oo dhowaan ka yimi caasimada […]