IMG_3092

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kula nka Bilaha ah ee Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda.

Shirkan oo ka dhacay xarunta dhexe ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimayaasha waaxyaha kale duwan ee Wasaradda ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyinka u qabsoomay bilihii la soo dhaafay guulaha la gaaray, kuwa aan qabsoomin iyo qorshaha hortabinta u leha Wasaaradda lana qaban doono 2025.

Soo badhigista xogta shaqooyinka kadib Wasiirka ayaa wax ka weydiiyay Agaasimaayasha shaqooyinka aan qabsoomin caqabaha hor taagan, sido kale waxaa xusay in loo bahan yahay in kor loo qado shaqooyinka Wasaaradda siwada jira ahna looga shaqeeyo horumarinta shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_3089

Taliye Kuxigeenka Booliska Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE  – Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalinta Cashuuraha gobolka Nugaal.

Xirtaanka tababarka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda,

waxaana goob-joog ahaa Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal,  Hoggaanka guud ee Ciidamada ilaalada cashuuraha Puntland,Maamulaha Cashuuraha Gobolka Nugaal , Taliyaha laanta ilaalada cashuuraha Gobolka Nugaal iyo sarakiil katirsan Booliska.

Taliyaha  ciidamada ilaalada Cashuuraha ayaa ka warbixiyay tababarka mudada uu socday casharada ay qaateen Ciidanku, isagoo sheegay in ciidanka loo tababaray sidii loola dhaqmi laha bulshada ay canshuurta ka qadaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Jama Jowle ayaa u mahad-celiyay saraakiisha ciidanka cashuuraha isago xusay in loo baahan yahay in ciidanku ay labo jibaraan shaqada lana rabo in la dareemo koror Dakhliga.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur oo soo xiray tababarka ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay in kor loo qado aqoonta ciidanka ilaalada Cashuuraha, lana rabo in aqoonta ay barteen Ciidamadu ku shaqo galaan ayna kor u qadan wax soo sarka dhanka Dakhliga iyagoo kaashanay  aqoonta ay barteen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_3049

Agaasime Guud Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr[Sawirro]

GAROOWE –  Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa  tababar u furay Madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr.

Qabsoomida tababarkan waxaa ka soo shaqeeyey Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga, waxaana ka soo qayb galay Xisaabiyaha Gobolka Raasa-Casayr, Ku-xigeenkiisa, Khasnajiga guud iyo madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda laguna qabtay xarunta dhexe ee Dakhliga.

Tababarka ayaa ah mid lagu baranayay qaabka loo xeryeeyo Dakhliga maalin laha, loogana xerayn lahaa ilaa 10 xarumood oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Raas-casayr.

Tababarkan waxaa bixinaayey Maxamed Maxamuud Axmed Sugule  oo ka tirsan Madaxda Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ayaa madaxda Cashuuraha gobolka Raas-casayr faray in loo baahan yahay aqoonta aad bareeteen in Dakhliga lagu horumariyo lana sii tababaro shaqaalaha kale ee ku sugan xarumaha  Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2997

Guddiga Shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Warbixinta ka dhageystay madaxda Hanti-dhowrka Gudaha[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Hantidhawrka gudaha oo safar shaqo ku tagay gobalka Raas-casayr.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Puntland Mudane Ahmed Jama Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud,Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madaxa qaybeedyada Wasaaradda.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu yeeray mas’uulyiinta heer gobol ee Xisaabiyaha , ku xigeenka Xisaabiyaha iyo maamulaha dakhliga ee gobolka Raasa-Casayr .

Madaxa xafiiska Hantidowrka Mudane Axmed  Cabdi Maxamed ayaa Guddiga Goobta shaqada usoo bandhigay shaqooyinka gobolka ka socda ee xeraynta Dakhliga Iyo shaqooyinka u baahan in la saxo.

Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda Xafiiska hanti dhowrka ku boggaadiyay shaqooyinka ay gacanta ku hayaan .sidoo kale waxaa u sheegay in loo bahan yahay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dhanka shaqada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2972

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ayaa ka qab galay kulan looga hadlay dar-dargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada, waxaana ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda.

Kulan ayaa ku aadanaa sanadkan 2024 oo gabagabo ah horumarka laga sameeyey shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqooyinka hortebinta leh ee la qaban doono 2025 haddii alle idmo.

Ugu dambayn shirka ayaa lagu kala qaatay warbixino kala duwan oo la xiriira dar-dargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2954

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka uga mahad celiyay Ansixinta Miisaaniyadda 2025

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinayaan ansixinta Miisaniyadda Dowladda 2025 oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar).

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2025 korortay 18% marka la barbardhigo Miisaaniyaddii sannadka 2024.

Miisaaniyadda 2025 ayaa horay Madaxda Wasaaraddu ula wadeegeen bulshada Puntland in ay door ku yeeshaan Golaha Xukuumadduna markii la hor geeyey isku raaceen, ugu dambayna maanta Golaha Baarlamaankuna ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2931

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulankan, oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa looga hadlay miisaaniyadda sanadka 2025, oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda ayaa Guddiga si faahfaahsan uga xog waramay qorshayaasha miisaaniyadda cusub, oo xooga lagu saarayo in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha, hagaajinta maamul-wanaagga, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxay sidoo kale iftiimiyeen istiraatiijiyadaha loogu talagalay xoojinta nidaamka maaliyadeed ee Puntland si loo gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay kulammo taxane ah oo Guddiga Maaliyadda uu hore ula yeeshay hay’adaha kala duwan ee Dowladda si ay uga dhageystaan aragtida iyo mudnaanta ku saleysan miisaaniyadda sanadka 2025. Guddigu waxa uu kulammo gaar ah la qaatay masuuliyiin ka socday dugsiga agoonta iyo dugsiga carruurta qaba autism-ka, iyagoo ka dhageystay baahiyaha gaarka ah ee la xiriira adeegyada ay bixiyaan iyo miisaaniyad u qoondeynta adeegyadaas.

Sidoo kale, Guddiga ayaa qorsheynaya inuu kulan gaar ah la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, si loo helo talooyin dheeri ah oo ku saabsan sidii miisaaniyadda 2025 loogu wajihi lahaa si hufan oo waafaqsan baahiyaha bulshada. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo in miisaaniyadda Dawladda ay noqoto mid ka tarjumeysa rabitaanka shacabka iyo horumarinta Puntland guud ahaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_2889

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda 2025[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo  Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Gollaha Baarlamaanka hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa shir guddoomiyey kulankaasi oo ay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ku soo bandhigeen Miisaniyadda Dowladda ee Wasaaraddu soo diyaarisay.

Miisaaniyadda Dowladda ayaa lagu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland si ay usoo akhriyaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha usoo soo jeediyay khudbad ku aadan Miisaaniyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2861

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada.

Xarunta dhexe, Wasiirka waxaa ku soo dhoweeyey Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo mas’uulyiin kale.

Kulan uu shir guddoomiyey Wasiirku oo ay ka qayb galeen Agaasimayasha Waaxyaha Wasaaradda  ayaa lagu soo badhigay shaqooyiinka dar-dargelinta dakhliga ee horumarka laga sameeyey taasi oo uu Wasiirku bogaadiyey.

Kulanka intii uu socday sidoo kale waxaa lagu soo badhigay tallooyin ku aaddan horumarinta shaqada dakhliga iyo sidii loo xoojin lahaa.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa Agaasimayaasha waxyaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo dardargelinta dakhlig.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2840

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Dhisme ka dhagax-dhigay Garoonka Diyaaradaha Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Wasaaradda oo laga hirgelin doono garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Dhagax-dhiga dhismaha cusub ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ah Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Maamulka Garoonka.

Dhismahan ayaa waxaa u qeyb ka noqon doonaa xarumaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka diyaadaha iyadoo baahi weyn loo qabay hir gelinta xaruntan

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More