DANGOROYO – Madaxwaynha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni waxaa boqashadan ku weheliyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dawladda, Siyaasiyiin iyo qaybo kamid ah Saraakiisha laamaha amniga Dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland , waxaa kusoo dhoweeyay […]
DHAHAR – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa degmada Dhahar ka dhagax dhigay Laanta Bangiga Dhahar iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda waxaa xarumahan la dhagax dhay Wasiirka Arimaha gudaha, iyo Xubno katirsan Golaha Baarlamaanka Puntland. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay kuna aadan dhismaha Bangiga […]
QARDHO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ee degmada Qardho. Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi tababarka ku qaadan doona. Mudane Siciid Cabdulaahi Deni Madaxwaynaha Dawladda puntland iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo […]
QARDHO – Madaxwaynaha Dawladda puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Soo dhowaynta waftiga Madaxwaynaha waxaa ka qaybgalay Maamulka gobolka kan degmada Issimo,Siyaasiyiin, Nabadoono iyo Bulshada rayadka ah qaybaheeda kala duwan. Wafiga Madaxwaynaha waxaa kamid ahaa Xubnaha golaha Wasiirada qaybo kamid […]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada diwaangalinta shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda kana howlgala gobolada Puntland. Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Caasimada waxaa ka bilaamay diiwaangelinta Shaqaalihii maray tirakoobkii sanadkii 2017-ka. Cabdifitaax Cali Jaamac Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa la hadlay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda. ….”Waxaa la diiwaangelinaynaa shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda ee maray […]
GAROOWE – Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa hawlo shaqo u yimid Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Garoowe ee caasimda Puntland. Madaxwaynaha waxaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay madaxda Wasaaradda oo uu hurmuud ka u yahay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi. Kulan gaara oo ay wada qaateen Madaxwaynaha iyo […]
BADHAN – Wasiirka Maaliyadda, Godomiyaha Gobolka, Duqa Degmada Badhan iyo Xisaabiyaha gobolka Sanaag ayaa dhagax dhigay dhismaha Bangiga laanta Badhan iyo Wasaaradda Maaliyadda. Xarumahan dhismahooda ayaa dhowaan la bilaabi doonaa aydoo maamulka gobolkq iyo kan degmadu Wasiirka uga mahadceliyeen hirgalinta dhismayaashan. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dawladda uu hoggaaminayo Madaxwayne […]
BADHAN – Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo maanta gaaray degmada Badhan ayaa booqday houga uu degmada ka degan yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa yeeshay kulan ay uga wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Sanaag. Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
BADHAN -Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada BADHAN ee xarunta gobolka Sanaag. Degmada BADHAN, Wasiirka iyo waftigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Maamulka gobolka kan degmada, Saraakiisha qaybaha Daraawiishta iyo Booliska gobolka Sanaag ,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolada Sanaag iyo Haylaan, Nabdoono iyo Bulshada rayofka ah,qaybaheeda kala duwan. Wasiirka […]