
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha General Abshir ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Bangiga dhexe Mudane khadar Ugaas Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garowe iyo Kantaroolka Bari.
Wasiir Bulxan ayaa madaxda kastamka ka dhagaystay habsami u socodka shaqada iyo caqabadaha kala duwan ee haysta, waxayna kula dardaarmeen guud ahaan inay xooga saaraan sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa, loogana dheeraan lahaa wax kasta oo wax u dhimi kara dakhliga Dowladda.
Wasiirka ayaa sidoo kale kormeer ku tagey kantarooka Bari, waxaana uu halkaasi kula kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku hawlan soo saarista dakhliga.
Waxaa xusid mudan in Mas’uuliyiintan sidoo kale kormeerka ku weheliyeen agaasimaha waaxda furdooyinka, Agaasime ku-xigeenka guud ee Bangiga dhexe, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo maamulaha kastamka.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland






























![Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee Garoowe[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/04/1-20-3-150x150.jpg)
![Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/04/1-5-9-150x150.jpg)

