Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Hay’adds Save the Children[Sawirro]
GAROOWE – Madaxda Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Save Children.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Ku-simaha Xisabiyaha Guud, Gudoomiyaha Hantidhowrka Guud, Agaasimaha Bangiga Puntland , Madaxa Hay’adda Save Children ee Puntlnad iyo xunbno ka socday xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Hayadda Save Childrn.
Kulanka intii lagu guda jiray ayaa looga wada-hadlay sida uu u shaqeeyo nidaamka PL-FMIS iyo Khasnada. Midaysan (Treasury Single Account)
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa
mudooyinkii udambeesay kulamo joogto ah la lahayd hayadaha caalamiga si loo dar dar galiyo isticmaalka nidaamka Khasnada Midaysan ee Puntland (Treasury Single Accunt) ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray.
Kulanka oo ahaa miro dhal ayaa kusoo dhamaaday sidii loo sii amba qaadilahaa isticmaalka Khasnada Midaysan ee Dawladda Puntland
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland