Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Cashuuraha Berriga Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Xarunta Cashuuraha Berriga waxaa kormeer shaqo ku tagay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle.
Agaasimaha waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Canshuuraha Berriga Gobolka Bari, Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Gobolka Bari iyo Saraakiisha Canshuraha Beriga.
Kulan uu Agaasimahu la qaatay Mas’uuliyiinta Cashuuraha beriga ayaa looga wada-hadlay qiimaynta iyo kor u qaadista dakhliga canshuuraha berriga ee Gobolka Bari, iyadoo laga eegayo ogaanshaha hawlaha Dakhliga ee Socda.
Sidoo kale kulankan ayaa lugu falanqeyey halka ay marayaan ilaha dakhliga hadda jira, gaar ahaan canshuuraha ay bixiyaan mulkiilayaasha gaadiidka ee laga qaado canshuurta 3biloodlaha ah iyo ganacsiyada kala duwan ee Magalada Bosaso
Intii uu socday kulankan ayaa la isla qiray in ay jiraan ilaha canshuuraha qaarkood oo aan si buuxda loo qaadin, loona baahan yahay in la gaaro Yoolalka Dakhli ee u dagsan Wasaradda Maaliyadda Gobolka Bari.
Agaasimaha ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda faray inta lagu guda jiro ololaha canshuuraha in Ganacsatada iyo bulshada kalaba loo dhimriyo, si wanagsan-na loola dhaqmo, iyadoo la raacayo nimaadyada iyo habraacyada Canshuraha Dowladda Puntland oo siinaya muwaadiniinta xaquuqdooda aas-aasiga ah in aan wax loo gaysan, mar walbana laga codsado in ay gacan siiyaan saraakiisha ku hawlan canshuraha Dowladda.
Ugu dambayn tii kulanka ayaa la isla qaatay in si joogto ah loo qabto kulamo lagu wacyi gelinayo Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Bosaso, kuwaas oo lagu fahansiinayo bixinta Canshuraha iyo la shaqaynta saraakiisha ku hawlan ururinta Canshuraha Dowladda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland