Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug[Sawirro]
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dib-u-dhis casri ah oo lagu horumarinayo xafiisyada Wasaaradda.
Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ismaacil Cabdinuur Geesey oo ay wehelinayaan Maamulaha Canshuuraha Gobolka Mudug, Cabdullaahi Khaliif Cabdille, iyo Maamulaha Canshuuraha Berriga ee Gobolka, Maxamuud Cabdullaahi (Kadawe) ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyey.
Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, gaar ahaan meelaha ay ka socdaan howsha dhismaha iyo casriyeynta, waxaaana warbixin ku saabsan horumarka shaqada wasiirku ka dhageystay maamulka iyo injineerada fulinaya dhismaha.
Wasiir Maxamed Faarax ayaa bogaadiyey dadaalka maamulka gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha xarunta, wuxuuna sheegay in dib-u-dhiska xarumaha maaliyadda uu qeyb weyn ka yahay kobcinta hufnaanta iyo daahfurnaanta nidaamka maaliyadeed ee Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland