Wasaaradda Maaliyadda ,Wasaaradda Howlaha Guud & Gaadiidka iyo Taliska Ciidanka Booliska oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Taliska Ciidamada Booliska oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa looga  wada hadlay sidii looga hortagilahaa Xad gudub yada Wadooyinka ka dhaca iyo in wadayaasha gaadku helaan Sharciyada Wadida Gaadiidka siwada jirina looga shaqeeyo.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska, Xisaabiye Ku-xigeenka Dowladda, Saraakiisha Ciidamada nabadgalyada wadooyinka, Agaasimayaasha labada Wasaaradood. Iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkada Badbaado.

Shirkan intii uu socday Mas’uuliyiinta Shirkada Badbaado ayaa halkaasi ku soo bandhigay Muuqaal ku aadan habka Wado marista iyo sida loo ganaaxo wadaha gaadiidka hadii uu qalad galo.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Madaxdii shirka uga warbixiyey xogta shaqooyinka wado marista ee ay ka wada shaqaynaayeen Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Taliska Ciidamada Booliska waxana uu sheegay

in ay tababaro u qabteen Ciidamada nabadgalyada wadooyinka si ay ugutaan waajibaadkooda shaqo

Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ciidamada booliisku qaadan doonaan qaybta kaga aadan ayana tahay talaabo muhiim ah oo u wanagsan dalka iyo dadka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in ay muhiim tahay  in la dardargeliyo hirgelinta xogta wado marista, Dowladdana dakhli uga soo bixi doono, ka Wasaaradda ahaana ay garab istaagi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadlay kulan ayaa umahad celiyay masuuliyiinta kulan soo qaban qaabiyey waxana uu  ka hadlay in ay muhiim tahay in la ogaado bad qabka gaadiidka iyo in wadaha gaadiidku haysto ruqsada baabuur wadida dhammaan magaalooyinkana laga xaqiiyo.

Ugu dambayn shirkan ayaa laysku afgartay dhammaan qodobadii looga wada-hadlay ee hirgelinta barnaamijka bad qabka gaadiidka iyo dad wayanah Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland