Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee Dekada Boosaaso.

Kormeerkan shaqo ayaa ahaa kor u qaadida dakhliga iyo hirgelinta Tacriifada cusub sidii shaqaalaha Wasaaradu u hirgelin lahaayeen, waxaana Agaasimuhu booqaday goobaha shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee cashuura badeecadaha.

Tacriifada dhowaan dib u casriyaynta lagu sameeyey ayaa ah mid ay ka muuqato horumarin
xoogan, waana mid la jaan qaadaysa shaqooyinka cashuurista badeecadaha, waxaana ay fulinteedu ka timid Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Dhabancad.

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala Boosaaso, Qardho iyo Garoowe ayaa lagu tababaray Tacriifada cusub, waxaana jira qorshayaal ku aadan sidii loo tababari lahaa shaqaalaha kale ee gobolada.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland