Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Daah-furay Tababar ay ka qayb qaadanayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda uga daah-furay tababar Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee dowladd Puntland.

Tababarkan ayaa ku aadan nidaamka maaraynta Maliyadda PL-FMIS-ka qaybtiisa off budget-ka  ee dib u habaynta Nidamka Maaliyadda waxaana ka soo qayb galay Agaasinayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda, xisaabiyaasha Waasaaraddaha Dowladda iyo Hay”addaha madaxa banaan ee dowladda.

Xafiiska ICT-ga Wasaaradda Maaliyadda ayaa bixinayey tababarkan waxaana soo qaban qabiyey Xafiiska Xisaabiyaha Guud  ee Dowladda Puntland.

Nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dawladda ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan ee Dawladda (Treasury Single Account).

Xisaabiye ku xigeenka Guud oo tababarka furay  ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha  sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka Pl-FMIS oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaaradda iyo Hay’ad walba si dhakhso ahna uga faa’iidaysataan una dabakhaan casharada si loo helo daah-furnaan shaqo iyo Isla-xisaabtan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland