Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Dhaqaalaha iyo Dabagalka Miisaaniyadda 2025[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qaybgalay kulan uu shir gudoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane  Cabdirisaaq Axmed Siciid loogana hadlay xaaladda Guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025.

Gudoomiyaha Golaha kulankan waxaa ku weheliyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Golaha ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda wax ka waydiiyey arrimaha dhaqaalaha dalka,nidaamka guud ee Maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda iyo in la dhaqan geliyey Miisaaniyadda 2025 ee Goluhu ansixiyey.

Intii uu socaday kulanka waxaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland si gaar ah wax looga waydiiyey xaquuqda shaqalaha, ciidamada iyo guud ahan cabashooyinka jira.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Xog dheeri ah ka siiyey guulaha ay gaartay Wasaaraddu ee ku aaddan Dakhli ururinta, kharash bixinta, caqabadaha jira iyo sidii si wadajar ah xal loogu helihaa caqabadaha jira.

Ugu dambayn kulanka ayaa noqday mid laga gaaray guulo wax ku ool ah loona balamay kulamo kale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland