
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sannadka 2026[Sawirro]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda sanadka 2026.
Kulanka Golaha waxaa Shir guddoomiyey
Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uuna weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud.
Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha ka hor Jeediyey Miisaaniyadda Sanadeedka 2026 ee Wasaaraddu soo diyaarisay.
Golaha oo dhageysatay hadal jeedintii Wasiirka ee Miisaaniyadda 2026 ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 4 December 2025.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

















![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Dardargelinta Shaqooyinka iyo Dib u habeynta Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/11/IMG_6594-1-150x150.jpeg)
![Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/12/1-15-1.jpg)

