
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boosaaso ku qabatay Madasha Ka Qaybgalka Muwaadiniinta ee Miisaaniyadda 2026(Sawirro)
BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabatay Madasha Ka Qayb-galka Muwaadiniinta ee Miisaaniyadda 2026.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiir-dowlaha Wasaaradda,
Agaasime-ku-xigeenka Maamulka, Agaasime-ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, maamulka gobolka, ganacsatada, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo maamulka gobolka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in bulshada loo soo bandhigo qorshaha miisaaniyadda sannadka 2026 isla markaana looga jawaabo su’aalaha iyo talooyinka ka imanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada.
Madaxda Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyay miisaaniyadda.
Madashan ayaa fursad u siisay muwaadiniinta iyo ganacsatada inay si toos ah u weydiiyaan su’aalo ku saabsan sida cashuuraha iyo dakhliga dowladda loo maareeyo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland



