
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo booqasho shaqo ku tagay xarunta Dakhliga Wasaaradda ee Carmo(Sawirro)
CARMO – Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) oo safar shaqo ku tegay Degmada Carmo ayaa booqday xafiisyada dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Carmo.
Wasiiru-Dawlaha waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Maamulaha Cashuuraha beriga iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Maamulaha Cashuuraha berriga Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Carmo Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyey heerka dakhliga, Shaqooyinka socda iyo qorshayaasha wax qabad.
Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay sii wadaan dadaalkooda, shaqo sido kale ay ilaaliyaan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada Maaliyadeed ee ay Bulshada u hayaan.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland











![Madaxeynaha Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/04/IMG_7410-150x150.jpeg)


