
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loo qabtay qaybo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda laguna qabtay xarunta dhexe.
Furitaanka tababarka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle; Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal; Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tababarada, Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil; iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in kor loo qaado aqoonta, xirfadda, hufnaanta iyo waxqabadka shaqaalaha Wasaaradda, iyadoo lagu tababarayo mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeerka Shaqada, Siyaasadda Anshaxa Shaqaalaha, Doorka Shaqaalaha ee Horumarinta Shaqada iyo Hay’adda, iyo Maaraynta Maaliyadda Dalka.
Tababaradan waxaa soo diyaariyey khubaro iyo tababar-bixiyeyaal si gaar ah loo xulay, kana tirsan madaxda iyo saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda.
Qaybta koowaad ee tababarka ayaa socon doonta muddo lix maalmood ah, waxaana ka faa’iidaysan doona 50 shaqaale ah oo ka kala tirsan Waaxyaha Maamulka, Dakhliga iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal.
Sidoo kale, qaybta labaad ee tababarka waxaa la gaarsiin doonaa guud ahaan xafiisyada heer gobol ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, si loo xoojiyo aqoonta shaqaalaha, korna loogu qaado tayada adeegyada maaliyadeed ee bulshada loo hayo.
Wasiir ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasinka Guud ee Wasaaradda ayaa kula dardaarmay shaqaalaha loo xulay tababarka in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan aqoonta iyo xirfadaha la siinayo, isla markaana ay ku dabaqaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo kartida shaqaalaha, hufnaanta shaqo, isla-xisaabtanka iyo adeeg-bixinta dowladeed ee tayo leh.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland




























![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/05/IMG_7515-150x150.jpeg)

