
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan uuna weheliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan ayaa maanta si rasmi ah usoo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah oo loo qabtay Madax qeebeedyada iyo qabo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda,
Xiritaanka tababarka Wasiir ku-xigeenada waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.
Tababarka ayaa ujeeddadiisu ahayd mid diiradda lagu saaray Habka dejinta qorshaha iyo qiimaynta shaqada waxaana shaqalaha lagu baray casho badan oo khuseeeya shaqooyinkooda kuwaasi oo ahaa kuwo muhiim ah siwayna ay uga faa’ideeyteen.
Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadlay munaasabadda ayaa shaqaalaha tababarka soo qaatay kula dardaarmay in xafiisyada ay ka hawl galaan laga arko aqoonta loo kordhiyey.
Tababarka waxaa soo diyaariyey waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda waxaana Bare ka ahaa Ruqiyo Cabdullaahi iyo Nadifa Jamaac Ciise oo ka tirsan Xafiiska Qorshaynta.
Ugu dambeyntii Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo soo xiray tababarkan ayaa ugu hambalyeey shaqaalaha aqoonta la baray waxaana uu sheegay Wasiirku in tababaradu gaari doonaan guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si kor loogu qaado aqoonta Shaqaalaha, isla-xisaabtanka, iyo waxqabadka guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland






































![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Madax-qaybeedyada Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/06/IMG_7703-150x150.jpeg)

