
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Sare u qaadida Dakhliga oo ka dhacay xarunta Maaliyadda[Sawirro]
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay sare u qaadidda ilaha dakhliga, casriyeynta nidaamka maaliyadda iyo horumarinta adeegyada Maaliyadda ee Dowladda Puntland Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Madxda Wasaaradda Maaliyadda, uuna Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Mas’uulyiin kale oo ka tiraan Wasaaradaha Dowladda.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan heerka guud ee dakhliga, qorshayaasha lagu xoojinayo dakhliga gudaha iyo hufnnaanta Maaliyadeed ee dalka.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/06/IMG_7816-150x150.jpeg)

