Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Agaasimahaysha waaxyaha Wasaaradda ayaa diirada lagu saaray halka ay marayaan shaqooyinka, mashruuca RCRF-ka, in ay sidii loogu tala galay usocdaan Dardargalinta dakhliga iyo cashuuraha beriga.
Shaqooyinka kor ku xusan ayaa dhammaan laga gaaray guulo wax ku ool ah waana talaabo dhanka horumarka ah oo horay loo qaaday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa madaxdii kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda kala qayb galay uga mahad celiyey sida hufnaanta leh ee ay uga soo baxeen shaqooyinka loo igmaday.

Ugu dambayn kulankan ayaa lagu balamay kor u qaadida wada shaqaynta & dardargalinta shaqooyinka guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland