7083E82F-63DE-4614-815E-E26D6EB18E8D.jpg

Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo Bilaabay Diiwaangelinta Shaqaalaha Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada diwaangalinta shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda kana howlgala gobolada Puntland. Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Caasimada waxaa ka bilaamay diiwaangelinta Shaqaalihii maray tirakoobkii sanadkii 2017-ka. Cabdifitaax Cali Jaamac Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa la hadlay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.  ….”Waxaa la diiwaangelinaynaa  shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda ee maray […]

0BE93873-8DE7-49A0-9AF4-FBC324424F27.jpg

Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeer shaqo ku yimid W/Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa hawlo shaqo u yimid Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Garoowe ee caasimda Puntland. Madaxwaynaha waxaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay madaxda Wasaaradda oo uu hurmuud ka u yahay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi. Kulan gaara oo ay wada qaateen Madaxwaynaha iyo […]

6E87C803-4F8F-4122-BC85-63D78E4586ED.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dhagax dhigay Bangiga Laanta Badhan iyo W/Maaliyadda [Sawirro]

BADHAN – Wasiirka Maaliyadda, Godomiyaha Gobolka, Duqa Degmada Badhan iyo Xisaabiyaha  gobolka Sanaag ayaa dhagax dhigay dhismaha Bangiga laanta Badhan iyo Wasaaradda Maaliyadda. Xarumahan dhismahooda ayaa dhowaan la bilaabi doonaa aydoo maamulka gobolkq iyo kan degmadu Wasiirka uga mahadceliyeen hirgalinta dhismayaashan. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dawladda uu hoggaaminayo Madaxwayne […]

CEE7F735-D397-4432-A2BC-4AAA006C2F0D.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la kulmay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan[Sawirro]

BADHAN – Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo maanta gaaray degmada Badhan ayaa booqday houga uu degmada ka degan yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.  Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa yeeshay kulan ay uga wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Sanaag. Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta  Wasaaradda Maaliyadda  Dawladda Puntland

061C0CD1-78A1-4C98-9583-5E92D229B801.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag[Sawirro]

BADHAN -Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada BADHAN ee xarunta gobolka Sanaag. Degmada BADHAN, Wasiirka iyo waftigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Maamulka gobolka kan degmada, Saraakiisha qaybaha Daraawiishta iyo Booliska gobolka Sanaag ,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolada Sanaag iyo Haylaan, Nabdoono iyo Bulshada rayofka ah,qaybaheeda kala duwan. Wasiirka […]

19A5579D-CFE2-4F3C-9CA7-C90CE50E893F.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Xarunta W/Maaliyadda iyo Xarumaha kale ee dowladda ee degmada Badhan[Sawirro]

BADHAN – Waftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi  ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, Bangiga  Dawladda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo xerasa Ciidamada ee degmada Badhan. Mas’uuliyiinta Wasaaradda  Maaliyadda ee Kastamka garoonka diyaaradaha ee degmada Badhan ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay habsami usocodka shaqada. Wasiirka ayaa sidoo kale booqday […]

55980ADE-330C-46B1-BE60-7851CD443268.jpg

Shirka Qiimaynta Xogta Maamul Maaliyadeedka ee dowladaha hoose oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa  maanta ka furmay Garoowe shir lagu qiimaynayo xogta Maamul Maaliyeed ee Dawladdaha hoose ee degmooyinka Puntland. Shirka maanta ka  furmay xarunta dhexe ee  Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Maaliyada iyo Arimaha gudaha, xubno ka socday degmooyinka iyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Khuburo ka tirsan Hay’adda UNCDF oo kulanka fududeysay, […]

B37DFF9F-356B-48EE-94DF-2D4767933C72.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Dooni dhawaan ka degtay ganacsato Puntland ah

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay dooni dhowaan ku degtay dalka Caman una rarnayd ganacsato reer puntland ah. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland murugada la qaybsanayso ganacsatadii dhowaan hantidooda ku waayay doonidii degtay. “Waxaan murugada la qaybsanaynaa ganacsatadii reer Puntland ee hantidooda ku […]

2302D584-1270-4E56-A9A1-E6231C29050C.jpg

Madaxda W/Maaliyadda oo Shahaado sharaf siiyay Shaqaalaha ugu dadaalka badan Dekeda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda baaritaan dheer kadib waxa ay shaaciyeen shaqaalaha ugu dadaalka badan dhanka shaqada ee ka hawl gala Dekeda Boosaaso. Shaqaalahan ayaa lagu casumay kulan si loo gudoonsiiyo shahaado sharaf taasi oo u noqon doonta dhiirigalin iyo in ay shaqaalaha kale ku daydaan shaqo wanaagooda. Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in […]

0F91E061-EAF8-4774-8A9C-55AB9EE84DC5.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Shahaado sharaf gudoonsiiyay Shirkadaha la shaqeeya W/Maaliyadda[Sawirro]

BOOSAASO –  Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay shirkadaha  wada shaqaynta dhow la leh Wasaaradda Maaliyadda  Shirkadahan mas’uuliyiin ka socda ayaa lagu casumay kulan ka dhacay Hotel Jaabir Place waxana ka mid ahaa Tawfiiq, Barwaaqo, Sharmaarke, Muwaafiq iyo Golis. Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa soo qaban qaabiyay kulankan iyo soo […]