GAROOWE –Â Wafti uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Yaasiin Darmaan ayaa kormeer shaqo ku tegay Garoonka Diyaaraha Gen Maxamed Abshir ee Garoowe. Kormeerkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyay ku Xigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir,Agaasimaha Furdooyonka Siciid Axmed Fagaase iyo Maamulaha Kastamka Gobolka Nugaal Cabdulqaadir Maxamed Bare. Madaxda Wasaaradda […]
GAROOWE –Â Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta soo gaaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo muddo kooban ka maqnaa Puntland. Garoonka Diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir waxaa Wasiirka kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi. Wasiirka […]
GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magalaada Garoowe ayaa lagu qabtay tababar ku aadan dhanka shirciyada, waxaana loo qabtay shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Tababarkan waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame, waxana kasoo qaybgalay Agaasime ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda […]
QARDHO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda waxaa degmada Qardho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda qaybta gobolka Karkaar. Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa booqaday Garoonka Diyaaradaha degmada Qardho Eng Abshir […]
BOOSAASO –Â Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi oo la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maaliyadda ayaa ka hadlay doonyo degay oo shixnad uwaday ganacsatada reer Puntland. Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Puntland muragada la wadaagayso Ganacsatada reer Puntland iyo […]
BOOAASO –Â Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi oo ay weheliyaan Maamulaha iyo Maamule ku xigeenka Furdooyinka ayaa kormeer shaqo ku tegay Dekeda Boosaaso xili ay halkaasi ka socdeen dajinta badeecooyinka ay wadaan doonyaha iyo maraakiibtu. Eng. Cumar Xasan Fiqi Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ahna sii-haya xilka Wasiirka intii uu kugu guda jiray kormeerkan […]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlaayay Qorshaha Wasaaradda oo ah Qorshe lix biloodle ah, kaasoo loogu talagalay in lagu wada xisaabtamp Waaxyaha wixii u qorsheysnaa iyo wax u qabsoomay Waax kasta. Shirkan waxaa Guddoomiyay Agaasimaha Guud ee W.Maaliyadda H.E Faysal Cabdullahi Warsame, isagoo ka dhagaystay Warbixin Agaasimaha Waaxda Qorsheynta […]
BOOSAASO –Â Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna sii-haya xilka Wasiirka Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Barri kan degmada Boosaaso iyo Taliska qaybta Booliska gobolka Bari. Kulankan ayaa ahaa mid uu soo qabanqaabiyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, waxaana kala qaybgalay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen […]
QARDHO – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa xarunteeda Qardho ku qabatay kulan looga hadlaayay kor u qaadida Dakhliga , shaqaalaha ay dadaal dheer ah u sameyn lahaayeen. Madaxda ka qeybgashay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Agaasime kuxigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac , Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee dowladda Cali Jaamac Gaashaan, Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda gobolka […]
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga qaybgalay xaflad xilka ay kula kala wareegayeen Maareeyahii hore Bashiir Muuse iyo Maareeyaha cusub Axmed Maxamuud Yuusuf. Xaflada xil wareejinta ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxana kasoo qaybgalay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Wasiir dowlaha […]