Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mutant Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa baaq u diray bulshada reer Puntland iney ka qeybqaataan gurmadka abaarta ka jirta deegaanada Puntland isla markaana la garab Istaago. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa […]
Waxaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir looga hadlaayey diyaarinta Miisaaniyadda sanadka 2017. Shirkaan ayaa ,waxaa shir guddoominayey Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed,waxaana ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Mudane Axmed Yaasiin Saalax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdirisaaq Siciid Nuur,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada Cabdisamad Cawad Surad. Shirka […]
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ayaa kulan Qado ah u sameeyay qaar ka mid ah Ergooyinkii ka so qayb-galay Doorashada Aqalka hoose,kuwaaos oo ka socday Gobalka Bari ee Puntland. Kullan oo ka dhacay Xarunta Hindo-raac ee Duleedka Magaalada Garowe,waxaa ka so qayb galaya Siyaasin,Waxgarad,Aqooyahan,Nabadoono ka socday Deeganadda Puntland oo idil,iyagoona wasiirka uga mahaceliyay Khadasharaftan u sameeyay. Sidoo […]
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas ka badan afar boqol kuwaasoo kasoo barakacay deegaanka Qandala ee gobolka Bari. Qoysaskan ayaa kasoo cararay baqdin ay ka qabeen in magaalada Qandala uu dagaal ku dhaxmaro maleeshiyo Daacish iyo Ciidamada Puntland oo deegaanka ku wajahan. Deeqdan ay Wasaarada Maaliyadda Puntland gaarsiisay qoysaskan ayaa ka […]
Kulan ku saabsan dardargelinta Cashuuraha Gadista iyo kicinta Cashuuraha Daaraha kireysan ee Ganacsiga,Hay’adaha,NGO iyo Iskuulada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka oo ka dhacay Waxaada Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu Daahfuray Cashuurta Gadista iyo kicinta Cashuurta Daaraha kireysan. Waxaana kulanka kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland […]
BOOSAASO – Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa loogu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Tababarkan oo ku saabsan habka Maareynta Xogta Maaliyadda oo loo yaqaan Financial Management Information System (FMIS) nidaamkan oo ah barnaamuj Computerized ah kaasoo ka qayb qaadanaya Maamulida Maaliyadda dalka. Tababarkan ayaa,waxaa […]
BOOSAASO – Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Tababar loogu qabtay xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso. Tababarkan oo ku saabsan habka Maareynta Xogta Maaliyadda oo loo yaqaan Financial Management Information System (FMIS) nidaamkan oo ah barnaamuj Computerized ah kaasoo ka qayb qaadanaya Maamulida Maaliyadda dalka. Tababarkan ayaa,waxaa bixinayey Tababarayaal aqoon sare u leh […]
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa la kulmay wafdi ka socday Bangiga Aduunka oo ay weheliyeen Xafiiska Xiriiriyaha Mashruuca Hormarinta shaqaalaha iyo tayeynta heer Puntland. Wafdiga ayaa kala hadlay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dardar galinta mashaaruuca tayaynta shaqaalaha iyo casriyaynta oo ay wasaaraddu ka mid tahay wasaaradaha ka qayb qaadanaya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa […]
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Airporka Boosaaso,Laanta Cashuuraha berriga iyo kantaroolka iyo furdada magaalada Boosaaso. Mudane Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa shir la qaatay kormeerka kadib Maamulayaasha iyo Madaxa Ciidanka Torbataariyada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Shirkan ayaa intii uu socday ,waxaa la isku dhaafsaday tallooyin […]
Wafdi ballaaran uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Wafdiga Wasiir Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac,Xildhibaan Surcad iyo Xujeydii kale ee reer Puntland ee sanadkan xajka soo gudatay. Wasiirka Maaliyadda […]