Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo la Kulmay madaxda Waaxda Furdooyinka Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Aggaasime Guud Ku-Xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan dhanka shaqada ah la yeeshay mas’uuliyiinta Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda.
Kulan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha waaxda furdooyinka Mahdi Faarax Qambi, ku-xigeenka Agaasimaha waaxda Cali Siciid, Madax qaaybeedyada waaxda iyo qaybo ka mid ah shaqaalaha waaxda.
Shirkan ayaa looga hadlay la dagaalanka bar-muudada, taas oo ka mid ahayd qorshayaashii sanadka 2025 ee bishan May loogu talagalay. Iyo in xoogga la saaro sidii loo xoojin lahaa kormeerka xuduudaha, loona horumarin lahaa awoodda sirdoonka furdooyinka, korna loogu qaadi lahaa fahamka iyo tababarka shaqaalaha si loo sugo daahfurnaanta nidaamka kastamyada.
Shirka ayaa laga gaaray guulo ku aadan horumarinta shaqada ayna ka mid yihiin, ansixinta qorshaha dardargelinta hawlgallada kooxda guur-guurta (mobile team), xoojinta kastamada Xarfo iyo Daarusalaam, iyo ballanqaad ku aadan in shaqaalaha ku lug yeesha bar-muudada si toos ah loogu dabaqi doono sharciga.
Agaasime Guud ku xigeenka ee Dakhliga ayaa faray madaxda Furdooyinka fulinta go’aamada shirka lana samayn doono warbixino toddobaadle ah oo lagula socdo hawlgallada bar-muudada, hirgelinta tababarada shaqaalaha iyo kormeer joogto ah oo lala kaashanayo hay’adaha amniga.
Ugu dambayn Agaasimaha ayaa bogaadiyey dadaalka Waaxda Furdooyinka, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan shaqaalaha in ay sii laba jibaaraan juhdigooda si loo xaqiijiyo dhaqaale hufan oo waara.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Ku Simaha Agaasimaha waaxda Maamulka ahana Agaasime Ku-xigeenka Maamulka Mudane Mukhtaar Xassan Maxamed ayaa kulan horumarinta shaqada ah la qaatay Madax qaybeedyada xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii 
GAROOWE – Guddiga Goob shaqo ee Anshaxa iyo Abaalmarinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan ku yeeshay xarunta Dakhliga ee Wasaradda.
Baahintii 
GAROOWE – Maxdaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa la kulmay maanta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisabadka ee Gollaha Wakiiladda Dowladda Puntland.




















GAROOWE –








































GAROOWE
Baahintii 
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda Xarunta dhexe ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.




























GAROOWE – Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Dakhliga.






















GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo joogto ah la lahaa qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta la kulmay Xafiiska Xisaabaadka guud.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed
Baahintii