Shir looga hadlay dib eegista Mashaariicda Bangiga Adduunka ka fuliyay Puntland 2020 oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta lagu qabtay shir ay wada yeesheen Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Puntland. Shirkan oo uu guddoominayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa waxa ka qaybgalay Madaxda sare ee Wasaaradda, madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Puntland […]

BOOSAASO – Qaadashada shilling Soomaaliga oo si wadajir ah loogu dhawaaqay(Sawirro)

Guddiga Xasilinta Suuqyada lacagta ee Puntland iyo wax ka qabashada qiima-dhaca shilling Soomaaliga ayaa soo gabagabeeyey kulamo ay la l lahaayeen Ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Ganacsifa,Wasiirkii hore ee Maaliyadda ahna xubin ka tirsan Guddiga, Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso, xubnaha […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Bangiga Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dowladda Laantiisa Boosaaso. Madaxda Bangiga ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay xarunta iyagoona uga warbixiyey hannaanka shaqo ee uu Bangiga. Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay, waxana uu la kulmay […]

Guddiga Xalinta Lacagta Shilling Soomaaliga oo kulan la qaatay Ganacsatada Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Gudigga Xalint lacagta Shilling Soomaaliga suuqyada Puntland ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Shirkadaha iyo Sariflayaasha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulankan waxaa Guddiga ku weheliyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga,Wasiirka Dekedeha, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada, Guddoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda. Guddiga oo dhowaan ka yimi caasimada […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu weheliyay Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso. Wasiirka ayaa waxaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinta Wasaaradda oo warbixin ka siiyey shaqada ay u hayaan shacabka. Intaas kadib Wasiirka ayaa waxa uu booqday […]

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Qardho ka bilowday Ololaha Cashuurta(Sawirro)

QARDHO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee gobolka Karkaar ayaa bilaabay Ololaha lagu soo qabanayo Gaadiidka aan bixin Cashuurta ku waajibay. Ciidamada Ilaaladda Cashuurta ayaa baro- Kontarool oo lagu hubinaayo gaadiidka aan Cashuurta bixin ka hirgeliyay qaybo ka mid ah wadooyinka magaalada Qardho. Gaadiidka aan cashuurnayn ee ay qabtaan Ciidamadu ayaa lageeyay rugaha kala […]

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo xustay Maalinta Furdooyinka Adduunka(Sawirro)

BOOSAASO – Xaflad ay soo agaasintay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kaashanaysa Mashruuca CRATES ayaa lugu qabtay magaalada Boosaaso Bosaso. Xafladan ayaa ujeedkeedu ahaa sidii loogu dabaal dagi lahaa Maalinta Furddooyinka Adduunka oo sanad kasta laga xuso caalamka. Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha degmada, […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Dekedda Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tegey Dekedda Boosaaso iyo xarunta Wasaaradu ku dhex leedahay Dekedda. Wasiirka Maaliyadda waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa soo dhexmaray qaybaha kala duwan ee ay dekeddu […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay kulan looga hadlay dhaqan gelinta go’aamadii kasoo baxay Dowladda(Sawirro)

BOOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso ayaa maanta ka qaybgalay kulan ka dhacay xarunta gobolka Bari oo ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso iyo taliska ciidanka ammaanka. Shirkaan waxaa kaloo Wasiirka ku weheliyey Wasiirka amniga, Wasiirka Dekedeha Wasiirka Haweenka, taliyaha qaybta […]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo go’aano kasoo saartay lacagta Shillin Soomaaliga(Wareegto)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa soo saartay go’aan lagu xakamaynaayo lacagaha laysaga safriyo Gobolada kala duwan ee Puntland. Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame “Qawdhan” warqad qoraal ah oo ka soo baxaday Xafiiskiisa Dakhliga ayaa amar lagu siiyay baraha kantarool ee Puntland. In uusan u kala gudbi karin gaadiid […]