Kulankan waxaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale oo kaa tirsan labada Wasaaradood.
Intii uu socday Kulanka ayaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee labada Wasaaradood, gaar ahaan kor u qaadista iyo soo xareynta Cashuuraha iyo soo saarista dakhliga dowladda oo ay labada Wasaaradood iska-kaashadaan.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo madaxda kale uga mahad celiyey wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa dadaal ku bixiya sidii loo heli lahaa dakhligii dalka lagu horumarin lahaa si dowladduna u gudato Waajibaadkeeda shaqo, wada shaqaynta Wasaaraduhuna door wayn ka qaataan soo xeraynta dakhliga.