
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Baarlamaanka[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Gollaha Wakiilladda Dowladda Puntland.
Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2024 ee Gollaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka iyo xubnaha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024.
Miisaaniyada 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), iyadoo kororka Miisaaniyaddu yahay 3% marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen guddigu.







![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo Shir Guddoomiyay Kulaunka Todobaadlaha ah ee Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2023/12/1-3-4-150x150.jpg)
![Tababar Ku Saabsan Cilmiga Barbashadda Kumbuyuutarka ICT oo loo qabtay Shaqaalaha Wasaaraadda Maaliyadda Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2023/12/1-1-5-150x150.jpg)

