Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furtay Tababarka Cashuuraha Mushaharka Shaqaalaha[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa maanta daah-furay Tababar ku saabsan Hannaanka adeegsiga nidaamka IFMIS.

Tababarka ayaa waxaa loo qabtay Shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Inta u socdo tababarka ayaa waxaa shaqaalaha Lagu baridoonaa, hannaanka ururinta Cashuurta Shaqaalaha (Corporate Payroll Collection System), ujeedka ayaa ah sidii kor lagu qaadi lahaa Hufnaanta shaqada iyo xirfada shaqaalaha.

Mudane Xaashi ayaa shaqaalaha u soo jeediyay in ay ka faa’idaystaan Casharada la siinayo loogana baahan yahay in uu qof waliba fahan guud ka haysto nidaamka PFMIS qeybaha Cashuuraha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland