Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray dhismaha Laamiga ee isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr[Sawirro]
BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.
Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, qaar kamid ah golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda wadooyinka Puntland ee ( PHA ) Ganacsade Jaamac Dhagadheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda.
Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey maamulaha shirkadda Kebarco, faysal Xasan Yacquub oo fulinaysay dhismaha laamigan.
Mashruucan dhismaha laamiga Birdheer – Kalabayr ayaa lagu hirgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa sida dowladda Puntland iyo bulshada ay si wadajir ah ugu heelan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka dalka.
Wasiirrada Maaliyadda iyo masuuliyiintii kale ee socdaalka ku wehelinayey ayaa bogaadiyey tayada shaqada, iyagoo ku dhiirrigeliyey shirkadda iyo bulshada inay sii wadaan dadaallada dhismaha waddooyinka kale ee muhiimka ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland