
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Garsoorka sarre ee Puntland(Sawirro)
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la yeeshay Garsoorka Sare ee Puntland.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka qayb galay
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayna weheliyaan Wasiirku xigeenka dakhliga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxa Garsoorka.
Ujeedka kulanka ayaa wada shaqaynta hay’adaha Maaliyadda iyo kuwa garsoorka Intii uu kulanku socdayna waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo la xiriira habraacyada wada-shaqaynta labada dhinac gaar ahaan Fulinta canshuha lacageed ee ku waajibay dacwadaha iyo in la
kormeero gobollada.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wada shaqaynta joogtada ah lana xoojiyo isku-xirka hay’adahan si loo gaaro hannaan shaqo oo wanaagsan iyo koror Dakhli.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.














