
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan lagu dardargelinayo Dakhliga gudaha(Sawirro)
GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta shir guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo kobcinta dakhliga gudaha.
Kulankan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga, iyo madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iyo horumarinta nidaamka dakhliga, gaar ahaan cashuuraha berriga Guud ahaan Gobolada dalka.
Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo hirgelin lahaa cashuuraha berriga ee aan weli si buuxda loo qaadin qiyo sidii loo xoojin lahaa kuwa hore u jiray si loo kordhiyo wax-soo-saarka dakhliga dowladda.
Waxana jiray doodo muhiim ah oo lagu soo bandhigay kulanka kuna aadanaa Hirgelinta cashuuraha beriga ee aan weli laqaadin iyo xoojinta cashuurahii horay u hirgeliy si loo helo dakhligii Dowladdu dalka ku hor marin lahayd.
Ugu dambeyntii, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa bogaadiyay dadaalka madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda isagoo ku adkeeyay in la sii laba jibbaaro shaqada lana xoojiyo hirgelinta cashuuraha berriga si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara oo dalka lagu horumarin karo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
































