Shaqaalaha iyo Ciidanka furdada ee magaalada Boosaaso ayaa maanta ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan baco si tuugnima ah looga soo dejiyey Dekeda iyo qalab kale oo la doonayey in cashuurta lagala baxsado. Shaqaalaha iyo Ciidanka oo Iskaashanaya ayaa qabtay 200 oo kartoon oo Bacaha madow ee wax lagu rito halka alaabta kale ka […]
Gollaha Wakiilada Puntland ayaa meel-mariyey xisaab xirkii sanadkii lasoo dhaafay 2015 ay dhawaan u gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa goobjoog ahayd ansixinta Xisaab xirka. Gollahana ,waxaa goobjoog ahaa 50 mudane ,iyadoona uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa. Gollaha […]
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 bisha August 2016 horgeysay Gollaha Wakiilada DPL Xisaab xirkii sanadkii hore 2015. Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed,kuxigeenkiisa Axmed Yaasiin Saalax iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa hortagay Gollaha. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa loo qeybiyey Xisaab xirka 26/07/2016 si ay usoo aqriyaan Xisaab xirka. Wasiirka […]
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda puntland  Axmed Yaasiin Saalax oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee Dekeda Bosaso ayaa sheegay in shaqadii kastamka Cashuuraha ee dekeda Bosaso laga dhigay 24 Saac si loogu fududeeyo ganacsatada iyo bulshadda reer puntland inay alaabooyinkooda ay kala degaan dekeda bosaso. Shirkan jaraa’id oo uu wasiirka ku weheliyay Maamule […]
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed iyo wafti ballaaran oo u hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa safarkiisa,waxaa ku weheliyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyagoona mudada ay joogaan magaalada Nairobi kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Bangiga Adduunka. Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh […]
Xasan Cabdulle Sanweyne,ayaa loo magacaabay xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug,markii weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku geeryoodey 31 bishii Maarso ee sanadkan xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda ,Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare). Munaasabad uu xilka kula wareegayo xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda Puntland u qaabilsan gobolka Mudug ayaa lugu qabtay […]
QARDHO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan muslimiinta caalamka gaar ahaana shacabka Puntland. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed Eebe uga baryey in ay si farxad iyo nabadgelyo leh ku Ciidaan ,Isna cafiyaan isuguna hambalyeeyaan farxada maalinta Ciida. “”Ciid Mubaarak,Ciid Mubaarak […]
Maanta oo ay taariikhdu tahay 27, June, 2016 waxaa Shir balaaran Wasaradda Maaliyaddu la qaadatay Madaxweynaha Dawladda Puntland Md Cabdiweli Cali Gaas, kulankaas oo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Madaxtooyadda Dawladda Puntland, waxaa kulanakaas ka qayb-galay Masuuliyiinta kala ah: Wasiirka Wasaradda Maaliyadda  Md Cabdulahi Shekh Ahmed Wasiir Ku-xigenka W/Maaliyadda Md Axmed Yaasin Salax Agaasimaha Guud […]
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/06/2016 tababar u socday shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland loogu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe. Tababarkan ayaa lagu baranayey habka loo maamulo xisaabaadka,dakhliga iyo kharashaadka oo qaab Kompuyuutar ah kaasoo ay maamuli doonaan dhammaan hay’adaha dowladda Puntland. Tababarkan ayaa nidaamka lagu baranayey ,waxaa fududeysay Bangiga Adduunka iyadoona qaabka ay ku […]
Wefti ka socda Bankiga Aduunka ayaa manta kula kulmay Xafiiska Garoowe ee W/Maaliyadda Madaxda Sar-sare ee Wasaaradda, Weftigaas waxaa hoggaaminayay Mr. P. Kumaar oo u qaabilsan Bankiga aduunka dhinaca Dhaqaalaha. Weftigaas waxay la Kulmeen Madaxda kala ah: Wasiirka Maliyadda Agaasimaha Guud Maamulka Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Agaasimaha Guud ee Canshuuraha Berriga Xisaabiyaha Guud Iyo PFM,RCRF, […]