Category: Uncategorized

IMG_4054

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda iyo Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle uuna weheliyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo xarunta cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agasimaha ayaa booqaday Xafiisyada Wasaaradda ee ay ku sugan yihiin madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda xili ay ku guda jireen shaqo maalmeedkoodii.

Madaxda goobaha shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ee ay ka mid yihiin Maamulaha Cashuuraha beriga Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Maamulaha Kastamka dekedda Maxamed Yuusuf maxamuud ayaa Agasimaha Guud la wadaagay  qorshayaasha hirgay ee horay loogu soo badhigay kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda iyo heerka dakhliga maalin laha ah ee ay xereeyaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo la hadlay madaxda iyo shaqaalaha ayaa sheegay in laga sugaayo dakhligii dalka lagu Difaaci lahaa laguna hormarin lahaa loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3997

Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Puntland oo ka Wadashaqeynaha dhanka Dakhliga[Sawirro]

BOOSAASO – Madaxda Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga oo kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulanka waxaa ka qayb-gallay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Kaluumaysiga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Iintii uu socday kulankan ayaa looga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada Wasaaradood iyo sidii loo diyaarin lahaa Qorshayaasha horumarinta Dalkhliga Kaluumaysiga sanadan 2025 ee Xeebaha Puntland.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan wax yaabihii looga wada hadlay ee dardargalinta dakhliga Kaluumaysiga waxaana loo balamay in ay hawshan dhamaystirkeeda siiwadi doonaan gudi ka tirsan labada Wasaaradood.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3972

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekeda.

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey

Aggaasimah guud ee Bangiga Dowladda Puntland, maamulaha Customka Dekedda Boosaaso, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maxamed Yuusuf maxamuud Maamulaha Customka Dekedda Boosaaso ee Wasaarada Maaliyada ayaa Wasiirka la wadaagay xogta shaqooyiinka socda, Heerka dakhliga dalk iyo Badeecaddaha ka soo dega kana dhoofa Dekeda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo  ugu dambayna booqday Xafiisyada iyo goobaha kale ee shaqada ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada iyo habka loogu shaqaynaayo bulshada Cashuur bixiyaasha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3937

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku sameeyay Xafiisyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kormeerka ayaa ahaa wax ka ogaanshaha habsami u socodka shaqada iyo qalabayn kala duwan oo lagu sameeyey xafiisyada xarunta dhex ee Wasaradda Maaliyadda iyo xarumaha kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda la wadaagay  in lagu guuleystay Qalabaynta  Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda Xarunta dhexe, Xarunta Dakhliga iyo intooda badan Gobolada inta dhamana la qalabayn doono.

Madaxda Xafiisyada ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka ay wadaan iyo dadaalkooda shaqo, waxayna Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiir Maxamed Faarax uga mahadceliyeen qalabaynta iyo horumarinta agabka kale ee xafiisyada Wasaaradda lagu sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey Qalabaynta iyo isbadalka horumarineed ee lagu sameeyey Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu Madaxda iyo shaqaalaha u sheegay in laga sugaayo dakhligii lagu difaaci laha dalka laguna hormarin lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3871

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay  weheliyaan Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradda  iyo Agaasimaha guud ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe iyo gobalada Nugaal Iyo Sool.

Kulan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawladda ahna Xisaabiye Ku-xigeenka guud, Agsimayasha Waaxyaha iyo Xisaabiyayaasha Gobolada, Nugaal Sool iyo Sanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Wasiirka siiyey warbixin balaaran oo la xiriirta xogta guud ee shaqaalaha iyo dadaal kooda shaqo.

Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda  ee Maamulka iyo Dakhliga oo halkaasi ka hadlay ayaa shaqaalaha faray in siwada jir ah looga shaqeeyo horumarinta dakhliga guud ee dalka iyo ilaalinta nidaamka shaqo galka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud  ayaa shaqaalaha iyo madaxda faray in shaqooyinka Wasaarada lasii labba jibaaro maadama uu wadanku Ku jiro difaaca ajaaniibta argagixisada ee Puntland ku soo duushay, si gaarana xooga loo saaro kordhinta dakhliga.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Faarax ayaa shaqaalaha Wasaaradda kala hadlay inay qaataan doorkooda la xiriira garab istaaga ciidamada difaaca Puntland ee dhiigooda u daadinaaya badbaadinta ummadda Soomaaliyeed ee cadowga shisheeye argagixisada ahi kusoo duulay.

Shirkan ayaa  ka mida shirarka joogtada ee iska warqabka madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqaala weynaha WasaaraddaMaaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3812

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda..

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay warbixin ku aadan Shaqooyinka hortebinta leh ee horumarka laga gaaray, heerka dakhliga iyo dadaallada ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Intii uu socday kulankan ayaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan oo ku aadan kor u qaadista dakhliga, abuurista ilo dakhli iyo soo dhowaynta cashuur bixiyaasha Puntland oo leh mudaan gaara.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey xogaha ku aadan shaqooyinka horumarka laga sameeyey waxaana uu Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojinta shaqada iyo dardargelinta dakhliga xili dalku dagaal kula jiro argagixiso soo duushay dhaqaale badan oo dalka lagu Difaacona Dowladdu ubaahan tahay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Read More
IMG_2185

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan shaqada lagu saxaayo la qaatay Xisaabiyaha, Xisaabiye ku-xigeenka, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka iyo Khasnajiga labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.

Waxaa Shir Guddoomiyey kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda.

Kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna qayb ka ahaa sixidda  shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka mas’uuliyinta heer gobol si horumar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah loona hirgaliyo talo soo Jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka Shiray Dakhliga gobolka Mudug[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda ayaa kulan la yeeshay Xisaabiyaha, Maamulaha Furdooyinka, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa ku aadanaa saxida shaqada dakhliga gobolka Mudug oo hory warbixin uga soo gudbiyeen Madaxda Hantidhowrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka intii uu socday ayaa Agaasimaha guud iyo Guddiga Goobta shaqadu waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen sida ugu haboon ee loo horumarin karo shaqooyinka dakhli ee gobolka, goob joogna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Ugu dambayn shirkan yaa lagu saxay dhammaan qaladaadkii horay loo soo badhigay, Agaasimaha guudna uu kula dardaarmay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug in ay muujiyaan hufnnaan shaqo iyo horumarinta adeegyada bulshada loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (16)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo Shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda ee xeebaha Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir guddoomiyey kulan ay la yeesheen Shaqaalaha Wasaaradda ee ka howlgala gobolada xeebaha Puntland.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uulyiin Wasaaradda ee ka hawl gala Xeebaha ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay shaqooyiinka cashuuraha, goobaha ay ka shaqeeyaan,Dakhliga soo xerooda iyo caqabadaha jira una baahan in la xaliyo.

Ugu dambayn Wasiirku xigeenka Dalkhliga ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobaladda Xeebaha ka hawal gal kula dardaarmay dadaal shaqo iyo dardargelinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta ka qayb galay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada oo lagu qabtay Madaxtoyada Puntland, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu kordhinayo wax soo saarka cunada iyo nafaqada Puntland.

Waxaana lagu falanqeeyey sidii loo xaqiijin lahaa mudnaanta istiraatiijiyadeed, loona xallin lahaa caqabadaha jira, waxaana la isla qaatay qodobo cad oo lagu horUmarinayo dagaalka ka dhanka ah cunno yarida iyo nafaqo-xumada.

Read More