Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Shirka ayaa inta u socday waxaa looga hadlayay shaqooyinka qabsoomay Wasaaradda ee ay ka mid yihiin kor uqaadida qorshaha dakhliga oo ay ka mid yihiin Cashuuraha Berriga iyo xoojinta wada shaqaynta shaqada Wasaaradda.

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Dhakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa ka warbixiyay safar u ku tagay Magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso ka hirgeliyen tababaro loo qabtay shaqaalaha laguna baray Tacriifada cusub ee dib u casriyanta lagu sameeyey.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland