
Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir guddoomiyey Kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada[Sawirro]

GAROOWE- Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda waxaana ka soo qayb galay Agasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Mas’uulyiin kale kale.
Shirkan ayaa looga hadlay Siyaasada & Qorshihii iibka 2024, Horumarinta dakhliga, Qorshaha tababarada shaqaalaha iyo kor uqaadida wada shaqaynta shaqaalaha Wasaaradda.
Dhammaan qodobada shirkan lagu soo badhigay ayaa laysla qaatay fulintooda si loo gaaro guulo wax ku ool ah bulshadana loogu adeego.
Cabdulqaadir Axmed Xaashi agaasime guud ku xigeenka Dakhliga ayaa bogaadiyey qodobada shirka waxana uu Agaasimayaasha waaxyaha kula dardaarmay in qodobadan dabagal lagu sameeyo hirgelintooda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland












![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la yeeshay Shaqaalaha xarunta dhexe[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/02/1-13-4-150x150.jpg)
![Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Airport-ka Garoowe[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/02/2e95b09e-44f0-46de-9e78-10d89e2675b3-150x150.jpeg)

