
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray Laanta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta Laanta Ciidanka Ilaalada Canshuuraha ee Gobolka Nugaal oo dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Taliyaha Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Gobolka Nugaal, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo saraakiil ka tirsan ciidanka.
Dib-u-habaynta xaruntan ayaa qayb ka ah qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee lagu horumarinayo xarumaha lahu adeego shacabka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo ciidamada dadaalka ay ku bixiyaan ilaalinta nidaamka canshuuraha iyo sugidda dakhliga dowladda. Wuxuu faray in la laba jibbaaro shaqada.
Baahintii
Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
















![Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Sare u qaadida Dakhliga oo ka dhacay xarunta Maaliyadda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/06/hall-150x150.png)

