Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan waxa ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.

Agaasimaha Guud ayaa warbixino shaqada la xiriira ka dhageystay Xafiisyada kala ah, Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda, Xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda iyo Xafiiska Arkiifiyada.

Mas’uulyiinta Xafiisyadan xogta ay soo badhigeen ayaa ahaa kuwo ku adaa horumarka laga sameeyey shaqada, Caqabadaha ubaahan xalinta iyo shaqooyinka dhammaan.

Intii shirkaasi socdey ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta Dakhliga gobolada iyo sidii loo soo xerayn lahaa cashuuraha baaqday.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boggaadiyey shaqooyinka la qabtay todobaadkan loona baahan yahay dhamaystirka shaqooyinka taagan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland