Bankiga Dowladda Puntland Laantiisa Boosaaso oo laga Daahfuray Nidaamka Casriyeynta Ururinta Dakhliga iyo kaydka gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Bankiga Dowladda Puntland Laantiisa Boosaaso ayaa laga daah-furay Nidaamka Casriyeynta Ururinta Dakhliga iyo kaydka gobolka Bari.

Daahfurkan waxaa ka qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Maamulka Bankiga, Xisaabaadka Guud ee gobolka Bari, Maamulaha Furdada Bosaso, ,Agaasime K/Xigeenka Furdooyinka iyo madax ka socotay qaybo kamida hay’adaha Maaliyadda ee gaarka loo leeyahay.

Nidaamka casriyaynta ururinta iyo kaydka dakhliga ayaa qayb ka ah qorshaha kor u qaadista daah furnaanta iyo isla xisaabtanka nidaamka maaliyadda ee Dowladda iyada oo la adeegsanayo technologiyada casriga.

Nidaamkan ayaa waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa hufnaanta nidaamka Maaliyadda iyada oo dakhliga kasoo xerooda cashuur bixiyuhu uu toos u soo gaarayo khasnadda Bankiga dowladda iyada oo qaybaha ku shaqada lehna sida khasnajiyada, xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulayaasha laamaha Bankiga ee gobolada ay kuwada shaqaynayaan qaab digital ah , waxa ayna systemka ku leeyihiin awoodo kala sareeya sida dakhli xerayn , Hubin iyo xaqiijin.

Waxaa xusid mudan in nidaamkan horay looga daah-furay gobolka Nugaal, waxaana socda dadaalo ku aadan sidii gobolada kale looga hirgelin lahaa .

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland