Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sanadka 2021-ka(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland ayaa maanta horgeysay Golaha Wakiilada Puntland Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sanadka 2021-ka Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey maanta ayaa sanadkii dhan $341,861,037. Miisaaniyaddan oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawladda oo dhan  $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka fulinayaan […]

Kulan Aqoon Is-weydaarsi ah oo lagu qabtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan is-dhaafsi aqooneed uu ku dhaxmaray Wafdi ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo xubnaha oo isugu jira Agaasime iyo la-taliyeye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwynaha DKG. Wafdiga ayaa Garoowe kaga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed, kaasoo  la isku weydaarsanayo khibradaha shaqo iyo habka maamul ee Hay’addaha Dowladda. Kulanka […]

Shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland oo lagu tababarayo nidaamka casriga ah ee IPSAS ( Sawirro)

BOOSAASO – Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ku qabtay magaalada Boosaaso tababar ku saabsan nidaamka casriga ah ee IPSAS. Tababarkan waxaa ka faa’iidaysanaya Xafiiska Xisaab Celinada iyo Xafiiska Xisaabaadka gobolka Bari. Tababarkan waxaa daahfuray Xisaabiye Ku-Xigeenka Dawlada Puntland Cali Jaamac Gaashaan iyo sidoo kale Khabiirka Procurement-ga ee Wasaaradda Maalyadda Mudane Xasan Biinke. Mudada […]

Golaha Wasiiradda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 ( Sawirro)

GAROOWE – Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland shir ay caawa yeesheen uuna shir- guddoomiyay Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland , ahna Madaxweyne KU-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037 Shirkan oo ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa lagu […]

Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Waaxda Arimaha Sharciyada Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay Tababar ku saabsan sharciga shaqaalaha iyo sharciga anshaxa shaqaalaha. Tababarkan oo ah qaybtii afaraad ayaa waxa ka faa’idaysanaya shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Tababarkan waxaa si wadajir ah u daahfuray Madaxa Arrimaha sharciyada Wasaaradda Maaliyadda Puntland Avv Axmed […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray ganacsatada Bosaso(Sawirro)

BOOSASO – Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaaladda Boosaaso tababar u socday ganacsatada , kaasoo socday 7-8 bishan, laguna baranayay adeegga SOMSAD. Tababarkan gunaanadkiisa ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir, Maamulaha Furdada Boosaaso […]

Wasaaradda Maaliyadda oo daahfurtay nidaamka casriga ah ee dalbashada Mushaarka dawladda(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay tababarka iyo daahfurka nidaamka casriga ee dalbashada Mushaarka Dawladda (Payroll Batch). Tababarkan ayaa waxa ka faai’daysanayaan Agaasimayaasha Waaxyaha maamulka, Xisaabiyayaasha iyo hoggaanada lacagta ee ciidamada. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntlqnd Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay in […]

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo daahfur u sameysay nidaamka cusub ee SOMSAD ( Sawirro)

BOOSSASO – Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa daahfur u samaysay nimaad cusub oo ganacsatadda wax dhoofisa ama la soo dagta ku cadaynayso badeecadooda oo loo yaqaan SOMSAD (Somali administration Document). Adeeggan oo ah mid iswadda oo ganacsaduhu si madax banaan ugu soo codaysanyo badeecadiisa qaab online ah, taasoo meesha  ka saaraysa   document-gii gacanta lagu qori jiray  ee loo […]

Xaflad Sagootin ah oo loo sameeyay Shaqaale loo qabtay Tababar ku saabsan CIFA ( Sawirro)

GAROOWE – Xaflad sagootin ah ayaa maanta loo qabtay shaqaale ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka Maaliyadda. Shaqaalahan ayaa loo soo gabagabeeyay Tababar ku saabsanaa CIFA ( Public Financial Management).  Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Jaamacadda PSU,professor-ka bixinayay Barnaamijka iyo […]

Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 03.11.2020 loo qabtay Tababar ku saabsan Sharciga shaqaalaha DPL iyo Xeerka Anshaxa shaqaalaha qaybtiisa 2aad loo qabtat shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso. Tababarkan ayaa waxaa ka faa’ideysanaya shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland sida Dakhliga,Miisaaniyadda, Maamulka Xisaabaadka iyo Xafiiska Baarista gudaha iyo […]