
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Shirka ayaa inta u socday waxaa looga hadlayay shaqooyinka qabsoomay Wasaaradda ee ay ka mid yihiin kor uqaadida qorshaha dakhliga oo ay ka mid yihiin Cashuuraha Berriga iyo xoojinta wada shaqaynta shaqada Wasaaradda.
Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Dhakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa ka warbixiyay safar u ku tagay Magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso ka hirgeliyen tababaro loo qabtay shaqaalaha laguna baray Tacriifada cusub ee dib u casriyanta lagu sameeyey.
Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland















![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/01/1-9-2-150x150.jpg)
![Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Duulista Hawada ee Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/01/1-12-3-150x150.jpg)

