GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta hortagay Golaha Wakiiilada Dowladda Puntland. Fadhiga 23aad ee Kalfadhiga 47aad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane Abdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, labada Gudoomiye ku xigeen Mudane Cabdi Casiis Cabdulhaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil […]
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Agaasimaayasha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Kulankan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo kuxigeenkiisa. Mudadii uu socday kulankan ayaa looga hadlay halka uu marayo hannaanka shaqo ee Maaliyadda, […]
QARDHO – Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Puntland ayaa magaaladda Qardho ka daahfurtay Barnaamijka Waxbarashada cashuur bixiyayaasha. Tababarkaan oo ay ka faa’daysanayaan cashuurbixiyayaal badan oo kamid ah cashuur bixiyayaasha degmada Qardho ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo bari lahaa waxyaabaha la xiriira xaquuqda muwaadinka cashuur bixiyaha uu dawladu ku leeyahay noocyada cashuuraha ,waxyaabaha isagga lagu leeyahay cashuurbixiyayaasha,ahmiyadda […]
QARDHO – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa magaalada Qardho tababar uga furtay Xisaabiyayaasha gobolada iyo qaar kamid ah shaqaalaha gobolada ee Wasaaradda. Tababarkaan oo ku saabsanaa Kor u qaadista xirfada saadaalinta dakhli iyo kharash iyo sidoo kale waxa lagu baranaya maraynta lacagta cad(Cash Management) ayaa mudada uu socdo waxaa xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Puntland iyo […]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan isugu yeeray La-taliyayaasha ka hawlgala Wasaaradda gaar haan Mashruuca uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ee PFM. Kulankan waxaa shir gudoominaayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi oo ay ku weheliyaan Agaasime guud ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac iyo Agaasimaha dakhliga Abshir Maxamed Abshire Kulankan […]
GAROOWE – Khabiirka Xafiiska Hanti-dhawrka gudaha Wasaaradda Maaliyadda Puntlanf Cabdalla Amiiri ayaa xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay qiimayn uu ka sameeyay xafiisyada hanti-dhawrka gudaha iyo shaqaalaha ka hawlgala ee gobolada Bari,Karkaar iyo Nugaal. Kulakan uu khabiir Cabdalla ku soo bandhigaayay xogta waxaa kasoo qaybgalay Xisaabiye kuxigeen Dawladda Cali jaamac Gaashaan,Agaasimaha Qorshaynta iyo Tababarada Cabdulqaadir Cali […]
GAROOWE – Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2021 oo dhan $341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar). Fadhiga Golaha oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa Xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda. Dhowaan […]
GAROOWE. – Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladda DPL ay kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2021 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda. Dhanka kale, mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka jawaabay […]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa manta dardargalin ku sameesay qaadista cashuurta wada marista. Agaasimaha Waaxda Cashuurah Berriga oo kormeer shaqo ku tagay goobaha lugu uruurinayay cashuuraha ayaa u sheegay shacabka inay gaadiidkooda cashuuraha ku waajibay ay si hufan u bixiyaan si dowladu awood ugu yeelato waxqabad la taaban karo. Cashuurta wada marista ayaa […]
BOOSAASO – Waxaa maanta ka furmay Jabir Plaza Hotel Boosaaso tababar ku saabsan qiimaynta Hanti Dhawrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland. Tababarkan ayaa loo qabatay shaqaalaha hanti dhawrka gudaha ee ka yimi Gobolada Bari, Haylaan iyo xubno ka socdey xarunta dhexe ee Garoowe, tiro ahaana ay gaarayeen 23 xubnood. Casharada Tabarbarkan Waxaa bixinaayay khabiirka […]