4955BAB0-8FC8-4940-9FA4-E946FAA6DA24.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qeybgalay Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Dawladda, Maamulka Gobolka Barri,maamulka degmada Boosaaso,Issimo,culuma’udiin,aqoonyahan,siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay daahfurka xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso. Xaafaddan ayaa loo bixiyay CAGAARAN,waxaana mashruuca lagu dhisayo xaafadan cusub iska kaa shanaya qurbajoog Soomaaliyeed oo hantidooda ku bixinaya horumarinta dalkooda. […]

4AF6BAE4-6E6A-4E08-A75D-F935793440D5.jpg

Wasiirk Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagay Kastamka Maaliyadda ee Airporka Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Booqashada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ee Wasiirka Maaliyadda,waxaa ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi. Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Maamulaha kastamka Cashuuraha ee Garoonka Diyaaradaha […]

CA2C24DB-0154-4C65-AF5F-431C37BB3F85.jpg

Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo kormeer shaqo ku tagey gobolka Gardafuu(Sawirro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gardafuu ayaa kormeer shaqo ku maray qaybo kamid ah Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi. Waftigan kormeerka shaqo ku tagay Degmooyin ka tirsan Gobolka Gardafuu waxa hoggaaminaayay Xisaabiyaha Gobolka Maxamed Axmed Jeeg,waxaana ku weheliyay Maamulaha Cashuuraha barriga Cumar Jaamac , Maamulaha Kastamka Cawil Maxamed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan […]

96565E96-D32D-4857-B85F-50E33469E0A3.jpg

Wasiir dowlaha Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug(Sawirro)

Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Puntland Maxamed C/qaadir oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug madax Wasaaradda ee gobolka. Kulanka,waxaa kasoo qaybgalay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee G/Mudug Ismaacil C/Nuur Geesey,shaqaalaha iyo saraakiisha ciidanka ilaalinta Cashuuraha gobolka Mudug. Mas’uuliyiinta iyo […]

F41DE3F2-9614-460C-B3DF-73199FC61811.jpg

Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee booqashada ku tagey Xerada Ciidamada PMPF ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiir  kuxigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda,iyo Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga. Xerada Ciidamada PMPF waxaa Masuuliyiintan Wasaaradda Maaliyadda ku soo […]

E9B69DAB-A157-4399-A588-3D16B669A877.jpg

Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo DFS oo xariga ka jaray dowladda hoose ee Gaalkacyo(Sawirro)

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya , Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda iyo Wasiirku Xigeenka Arimaha Gudaha Puntland ayaa xariga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee Dawladda Hoose ee degmada Gaalkacyo. Dhismahan dhaqaalaha ku baxay ayaa waxa bixiyey Bangiga Adduunka oo soo mariyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya . Mashruucaan ayaa ah mid mid lagu […]

F59F4F26-C3D6-4137-9A1B-FDE2524DA128.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka hadlay xukun lagu riday sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda(Video)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay xukunkii lagu riday Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Xasan Shire Cabdi ,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay xukunka lagu riday Sarkaalkan ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda in uu jawaab u yaahay qof kasta oo shaqaalaha Dawladda ah oo Hanti lunsasho iyo isticmaalka waraaqo been […]

2869F345-91DC-472C-83E7-AFE7DAB4C311.jpg

Sarkaal ka tirsanaa W/Maaliyadda Puntland oo loo xukumay hanti-lunsasho(Sawirro+Video)

Maxkamadda Darajada 1Aad ee Golbolka Barri ayaa xukun ku riday Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo lagu eedeeyay Hanti lunsasho iyo adeegsi warqado been abuur ah. Cawaale Maxamuud Shiikh kana mid ahaa Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda qeybta dakhliga ee degmada Carmo 26 sano jir ah ayaa horay Ciidamada Boolisku uga soo qabteen magaalada Carmo […]

51F4963C-62C1-4168-A039-85C1B79B0701.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka bilowday Qardho Ololaha qaadista Cashuurta Gaadiidka(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Karlaar ayaa maanta bilaabay degmada Qardho ololaha Cashuuraha Gaadiidka. Ololahan ayaa ahaa mid si guud uga bilowday Gobolada Puntland .taasoo uu horay u shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire. Ololaha Cashuurta Gaadiidka ee degmada Qardho ayaa waxaa hoggaaminayay Xisaabiyaha Gobolka Cabdirisaaq Cali Cartan, Maamulaha Cashuuraha Cabdirisaaq islaan […]

AFCABBEE-9A87-4D15-982E-2699329170C5.jpg

Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso(Sawirro)

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa loo qabtay Tababar ku aadan ololaha dakhliga iyo kalsooni galinta shacabka Puntland. Tababarkan ayaa loo qabtay shaqaalaha ka howlgala xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay magaalada Boosaaso. Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee loo qabtay tababarkan ayaa tiradoodu kor u dhaaftat labaatan,waxana lagu qabtay Hoolka shirarka Wasaaraddu ku leedahay […]